Dagaal u dhaxeeyo Ciidamo kala taabacsan Xildhibaan Xaadoole iyo mas’uul kale oo ka dhacay Warsheekh

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay duleedka degmada Warsheekh, gaar ahaan deegaanka loo yaqaano Tabeelaha Warsheekh oo qiyaastii 8 KM u jira degmadaas.
Dagaalkan ayaa u dhexeeyay laba ciidan oo kala taagersan Sarkaal lagu magacaabo Salaad Xaadoole, oo la dhashay Xildhibaan Xaadoole, iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Warsheekh, Hiraabe Maxamed Maxamuud (Jookaay).
Ilo deegaanka ah iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dhinacyada isku haya ay isku qabteen dhul goof ah oo ku yaalla halka uu dagaalku ka dhacay, taasoo sababtay in xiisaddu isu beddesho iska horimaad hubeysan.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Warsheekh, Hiraabe Maxamed Maxamuud (Jookaay), oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo dad goofley ah oo dhulkooda cabbiranayay ay soo weerareen ciidamo uu leeyahay Xildhibaan Xaadoole. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan faahfaahin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladdu ay weli kacsan tahay, iyadoo laga cabsi qabo in mar kale uu dagaal ka dhex qarxo dhinacyada isku horfadhiya deegaankaasi.
Maamulka iyo odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa inay ku baxaan dadaallo lagu xakameynayo xiisadda sii kordheysa, si looga hortago dagaallo kale oo khasaare dheeraad ah geysta.









