Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay iyo kuwo nolosha lagu qabtay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab oo kaashanaya Ciidamada Jubaland ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubada Hoose.
Howlgalladan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka, halka tiro kale oo ka mid ahna lagu qabtay iyagoo nool intii ay socdeen dagaallada, siada ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee howlgalka hoggaaminaya.
Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamaya in ciidamada ay si tartiib ah u xoojinayaan howlgallada, iyagoo diiradda saaraya sidii dib loogu furi lahaa waddooyinka muhiimka ah ee isku xira Afmadow iyo Bu’aale, kuwaas oo muddo ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sidoo kale, dagaallo culus ayaa ka dhaay nawaaxiga degmada Xagar, halkaas oo dhulka howdka ah uu caqabad ku noqday dhaq-dhaqaaqa ciidamada, balse ay weli socdaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxda, si meesha looga saaro Al-Shabaab, isla markaana Ciidamadu ay u gaaraan degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada isgarabsanaya ayaa muujinaya dadaal xooggan oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka Jubada Hoose, iyagoo sii wada howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka si loo yareeyo khatarta ay ku hayaan shacabka iyo isu socodka gaadiidka
Muddooyinkii u dambeeyay, maamulka Jubaland ayaa sare u qaaday howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la doonayo in dib loo xoreeyo deegaanno istiraatiiji ah, gaar ahaan degmada Bu’aale oo muhiim u ah dhaqdhaqaaqa kooxda.









