LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Golaha Mustaqbalka oo Maanta Shir xasaasi ah ku yeelanaya Nairobi

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee isku magacaabay Golaha Mustaqbalka ayaa maanta kulan qado ah ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha soo kordhay ee maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa ka arrinsanaya tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo sida ay uga falcelinayaan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulanka sidoo kale looga hadli doono suurtagalnimada muddo kororsi, maadaama lagu eedeeyay Madaxweynaha inuu damacsan yahay in uu kordhiyo muddo xileedkiisa. Golaha ayaa la filayaa inay isla qaataan mowqif mideysan oo ku aaddan arrintan.

Intaa waxaa dheer, Golaha Mustaqbalka ayaa ka tashan doona tallaabooyinka ay qaadi doonaan haddii uu dhammaado muddo xileedka Madaxweynaha, iyo jihada siyaasadeed ee ay qaadanayaan mustaqbalka dhow.

Waxaa la filayaa in kulanka kadib ay Golaha Mustaqbalka soo saaraan warsaxaafadeed rasmi ah oo ay ku faahfaahinayaan aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka iyo go’aannada ka soo baxay kulankooda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *