LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duqeymo lagu burburiyay Gaadiid & Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab

Duqeyn xooggan ayaa xalay Saqdii Dhexe ka dhacay deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan, kuwaas oo lala beegsaday Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaannada Faarax Aadan, Carfuuda Tabar-mooge iyo Miiron, halkaas oo la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xarumo iyo gaadiid ay lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay Kooxda Al-Shabaab lahayd, kuwaas oo qaarkood la sheegay in lagu diyaarinayay walxaha qarxa.

Ilaa iyo hadda, saraakiishu ma aysan shaacin khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeyntan, hase yeeshee waxay tilmaameen in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada ay duqeynta ka dhacday ee hoostaga degmada Xarardheere ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee weli la dareemayo saameynta ka dhalatay duqeymaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *