LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DFS oo muhiimad gaar ah u aragtay Maamulida Magalada Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta maamulka degmada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay halkaasi oo uu kuso dhoweyey gudoomiyaha degmada baydhabo ahna duqa magaalada mudane cabdulaahi cali watiin.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa hubinta habsami u socodka howlaha maamulka degmada, dardargelinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka deegaanka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay masuuliyiinta degmada, kuwaas oo la wadaagay xaaladda guud ee maamulka, adeegyada bulshada, iyo caqabadaha jira. Sidoo kale, wuxuu indha-indheyn ku sameeyay xarumaha muhiimka ah ee degmada si uu u qiimeeyo heerka adeeg bixinta.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku bogaadiyay maamulka degmada dadaalka ay ku bixinayaan u adeegidda bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.

Hoggaamiye Jabriil ayaa caddeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta maamul wanaagga iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada ee deegaanada hoos yimaada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *