LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Shir Nairobi uga furmay Golaha Mustaqbalka & Go’aano kasoo baxaya

Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo ay yeelanayaan qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya, kuwaas oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka la gaaro dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka laga helayo kulamadaasi ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay kamid yihiin Axmed Madoobe, Shariif Sheekh Axmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, ay ka arrinsanayaan istaraatiijiyad mideysan oo ay ku wajahaan marxaladda kala guurka ah ee la filayo inay bilaabato wixii ka dambeeya 15-ka May.

Sidoo kale, kulamadan ayaa lagu lafagurayaa tallaabooyinka ay mucaaradku qaadi doonaan si ay uga hortagaan waxa ay ku tilmaameen damac dowladda Federaalka ee ku aaddan muddo kororsi. Siyaasiyiintan ayaa si gaar ah u muujinaya walaac ay ka qabaan habka doorashooyinka ee hadda ka socda Muqdisho iyo qaar kamid ah gobollada dalka, iyagoo ku baaqaya in la qabto doorasho heshiis lagu yahay oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in kulamada Nairobi ay noqon karaan kuwo horseeda go’aamo muhiim ah oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda. Waxaa la filayaa in marka ay kulamadu soo gabagaboobaan ay mucaaradku soo saaraan war-murtiyeed ay ku caddeynayaan mowqifkooda rasmiga ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *