Xildhibaano mowqif cad ka qaatay Kursiga Maanta loo doortay Wasiir Jaamac

Qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la magac baxay ( Baarlamaanka Xorta ah) ayaa si kulul uga hadlay doorashada kursiga HOP#204, iyagoo ku tilmaamay mid baal marsan sharciga iyo dastuurka dalka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanadan ayaa lagu sheegay in kursiga uu hore ugu fadhiyay Isaaq Cali Subag si sharci darro ah loogu wareejiyay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan ay jebinayso qodobo ka mid ah Dastuurka Kumeelgaarka ah, gaar ahaan Qodobka 59-aad, isla markaana ay muujinayso faragelin iyo ku tumasho nidaamka sharci ee dalka.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale dhaliilay guddiga doorashooyinka ee arrintan qabtay, iyagoo sheegay in habka loo maareeyay doorashada uu caddeyn u yahay in guddigaasi uusan u hoggaansamin habraacyada dowladnimada iyo kala dambeynta sharci.
“Arrintan waxay tusaale cad u tahay sida guddiga doorashooyinka uga fog yahay nidaamka dowladnimada, isla markaana ay ku fashilmeen ilaalinta sharciga iyo hufnaanta doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo aysan ahayn mid waafaqsan shuruucda dalka, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo natiijada kasoo baxday.
Ugu dambeyn, waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladda inay u istaagaan ilaalinta dastuurka iyo sharciyada dalka, ayna ka hortagaan tallaabo kasta oo dhaawaceysa hanaanka dowladnimada.










