LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog: Maxay tahay sababta loo xiray Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir Cismaan Muriidi ayaa xabsiga loo taxaabay kadib amar kasoo baxay maxkamadda gobolka Banaadir, kaasoo la xiriira muran dhuleed  ka taagan xaafadda Cadayga ee degmadaasi Xamarweyne, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in xarigga guddoomiyaha uu daba socday eedeyn ku saabsan faragelin lagu sameeyay dhul la isku haysto, iyadoo lagu doodayo inuu isku dayay inuu si sharci darro ah ula wareego hantidaas. Dhulkan oo ah hal boos ayaa waxaa ku muransan dhinacyo kala duwan oo mid walba uu sheeganayo lahaanshihiisa.

Proffesor Yahye Caamir ayaa kamid ah dadka sheeganaya dhulkaasi, wuxuuna soo bandhigay dukumeenti uu ku tilmaamay kuwo sharci ah oo muujinaya in loo oggolaaday lahaanshaha dhulka xilligii maamulka hore ee gobolka Banaadir.

Amarka lagu soo xiray guddoomiyaha ayaa la sheegay inuu bixiyay guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo howlgalka lagu fuliyay xarigga ay fuliyeen ciidamo ka tirsan degmada Xamarjajab. Ciidamadaasi ayaa la sheegay in ay hoggaaminaysay taliyaha Saldhiga degmada Xamarweyne oo ah haweeney, kuwaasoo ugu dambeyn guddoomiyaha ku xiray xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, khilaafka dhulka ee ka taagan Cadayga ayaa weli sii taagan, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan cidda rasmiga ah ee leh. Qaar kamid ah ilo-wareedyada ayaa sheegaya in dhulkaasi uu yahay hanti dowladeed oo hoos timaada maamulka degmada, halka warar kale ay tilmaamayaan inuu leeyahay muwaadin qurba-joog ah oo haysta waraaqo sharci ah.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaan lagu magacaabo Wasiir Jeego kana tirsan Golaha Shacabka uu wado dadaallo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu sii daayo guddoomiyaha la xiray, maadaama uu yahay Xildhibaankiisa, isla markaana uu markii hore u keenay xilka guddoomiyaha degmada Xamarweyne.

Kiiskan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay kusoo badanayaan murannada la xiriira lahaanshaha dhulalka, kuwaasoo mararka qaar sababa khilaafyo u dhexeeya mas’uuliyiin iyo shacab, isla markaana keenaya in arrimahaas ay gaaraan maxkamadaha.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *