Ilhan Omar oo ku baaqday in Trump xilka laga qaado

Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, Ilhan Omar, ayaa ku baaqday in si degdeg ah dib loogu furo kalfadhiga Congress-ka si loo qaado tallaabooyin ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Ilhan Omar ayaa sheegtay in Trump “uu halis gelinayo xasilloonida caalamka” isla markaana lagu eedeeyay inuu ku kacay hadallo la xiriira dambiyo dagaal iyo xasuuq. Waxay ugu baaqday Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada, Mike Johnson, inuu si degdeg ah u soo celiyo fadhiyada Golaha.
“Donald Trump waa in xilka laga qaadaa sababtoo ah wuxuu khatar ku yahay amniga caalamiga ah. Guddoomiye Johnson waa inuu Aqalka dib u furaa. Dhaqan gelinta wax-ka-beddelka 25-aad iyo geeddi-socodka xil ka qaadista (impeachment) waa in miiska saaran yihiin. Sidoo kale Congress-ku waa inuu qaadaa tallaabo sharci ah oo lagu joojinayo awoodaha dagaal ee Trump,” ayay tiri Ilhan Omar.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa 55 xubnood oo ka tirsan Congress-ka iyo labo senator ay saxiixeen qorshe lagu doonayo in lagu dhaqaajiyo wax-ka-beddelka 25-aad ee Dastuurka Mareykanka, kaas oo u oggolaanaya in madaxweynaha xilka laga qaado haddii loo arko inuusan awood u lahayn gudashada waajibaadkiisa.
Arrintan ayaa dhalisay dood culus oo ka dhex aloosan siyaasadda Mareykanka, iyadoo ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan suurtagalnimada iyo sharciyadda tallaabooyinkan.









