LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kiis Naxdin Leh oo Ka Taagan Muqdisho: Ilmo Yar oo Halis Ugu Jira dil

Waxaa magaalada Muqdisho ka taagan arrin murugo iyo argagax ku abuurtay bulshada, kadib markii la shaaciyay kiis la xiriira ilmo yar oo 20 maalmood dhalan, kaasoo la sheegay in halis loo geliyay dil.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan, canugaan yar ayaa waxaa dhashay gabar la sheegay inay walaal la tahay nin Fanaan ah, kadib markii Ninkii dhalay Cunuga yar uu si cad u inkiray masuuliyadda ilmaha, taasoo xaaladda uga sii dartay hooyada iyo dhallaanka.

Intaas kadib, warar soo baxay ayaa tilmaamaya in hooyada iyo ilmaheeda loo gacan geliyay nin kale oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu amray inuu dilo canugga yar, isla markaana gabadha hayo ilaa arrinta laga qarinayo bulshada. Waxaa xitaa la sheegay in loo ballanqaaday lacag dhan $20 Dollar si uu u fuliyo falkaas naxdinta leh.

Si kastaba ha ahaatee, fanaankii loo bandhigay arrintan ayaa diiday inuu ka qayb qaato falkaasi, isagoo ka biyo diiday dilka ilmaha yar. Go’aankiisa ayaa horseeday in arrintan si weyn u soo shaac baxdo, isla markaana ay dhaliso caro iyo dood adag oo ka dhex aloosan bulshada.

Bulshada ayaa si weyn uga falcelisay dhacdadan, iyadoo dad badan ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo badbaadiyo canugga yar, isla markaana cadaalad loo raadiyo hooyada. Waxaa sidoo kale la isla dhex marayaa su’aalo ku saabsan cidda masuuliyadda ka qaadi doonta falkaan iyo sida sharci ahaan looga jawaabi doono.

Weli lama hayo war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka, hase yeeshee bulshada ayaa si dhow ula socota xaaladda, iyagoo rajeynaya in canugga yar la badbaadiyo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *