DUNIDALOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Heshiiska xabbad-joojinta ee Maraykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay heshiiska xabbad-joojinta ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo waqtigeeda ku habboon oo lagu yareynayo xiisadaha, lagu dhisayo kalsooni, isla markaana lagu ilaalinayo nabadda iyo amniga heer gobol iyo mid caalami ah.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu ammaanay doorka Maraykanka ee hoggaaminta dadaallada lagu gaaray is-afgaradkan, iyo sidoo kale ka-qaybgalka Iiraan ee taageeraya wadada wada-hadalka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale uga mahadcelisay dalalka dhexdhexaadinta ka qaatay heshiiskan, oo ay ka mid yihiin Pakistan,Saudi Arabia,Türkiye iyo Egypt ama Masar, kuwaas oo door muuqda ka qaatay isu soo dhowaanshaha labada dhinac.

Dowladdu waxay carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo fuliyo heshiiskan xabbad-joojinta, iyadoo ku baaqday in la sii wado wada-hadallo qorsheysan oo horseedi kara xal waara oo dhameystiran.

Soomaaliya oo si dhow ugu xiran xasilloonida Badda Cas iyo gobolka Khaliijka ayaa xustay in amniga marin-biyoodka iyo socodka ganacsiga caalamiga ah ay laf-dhabar u yihiin xasilloonida gobolka iyo adkeysiga dhaqaalaha caalamka.

Ugu dambeyn, Soomaaliya waxay mar kale caddeysay mowqifkeeda ku aaddan xallinta khilaafaadka si nabad ah, ixtiraamka madaxbannaanida dalalka, iyo doorka muhiimka ah ee diblomaasiyadda. Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta qodobbada United Nations, gaar ahaan kuwa la xiriira xalinta khilaafaadka si nabad ah.

Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan uusan noqonin dhammaad, balse uu yahay bilow loo qaado nabad waarta oo ku dhisan wada-hadal, is-ixtiraam iyo mas’uuliyad wadajir ah, iyadoo sidoo kale diyaar u ah inay taageerto dadaallada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *