LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Askar ku geeriyootay

Warar kala duwan oo laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in iska hor imaad khasaare dhaliyay uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay halkaasi ka wadeen howlgallo roondo iyo xaqiijin amni.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ay ku dhinteen dagaalkaasi.

Sidoo kale, meydadka askarta ku geeriyootay iska hor imaadka ayaa galabta la gaarsiiyay magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin eheladooda, sida ay xaqiijiyeen xubno qoysaskooda ka tirsan.

Dhinaca kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay iyaguna la kulmeen khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo aan la hayn tiro rasmi ah oo xaqiijinaysa khasaaraha soo gaaray.

Magaalada Baydhabo, oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa si joogto ah uga dhaca weerarro ay fuliyaan Al-Shabaab, iyadoo magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka deegaanka.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ammaanka magaalada uu marar badan wajahayay caqabado, waxaana dhowaan weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha Baydhabo xilli uu halkaasi ka degayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *