LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kenya oo Xabsiga dhigtay Rag Soomaali ah oo lagu qabtay Arrin sharci darro ah

Hawlgal sirdoon oo aad u qorsheysan ayaa waxaa fuliyay ciidamo ka tirsan Waaxda Dambi baarista kenya oo ka howlgala gobolka Garissa, kuwaas oo ku guuleystay inay burburiyaan shabakad looga shakisan yahay ugaarsiga sharci darrada ah.

Ciidamada ayaa sida la sheegay helay xog sugan oo la xiriirta gaari sidda shaqsiyaad hubeysan iyo xamuul xayawaan duurjoog ah oo si sharci darro ah loo ugaarsaday. Iyagoo adeegsanaya xeelad feejigan, ayay u istaageen wadada u dhexeeya Garissa iyo Dhadhaab, gaar ahaan deegaanka Alango Arba ee hoos yimaada Gobolka Faafi  ee dowlad degaanka Soomaalida.

War kasoo baxay aaxda Dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay in Saqdii dhexe, iyadoo jawigu degan yahay, ay dabinka loo dhigay ay si lama filaan ah ugu soo dhacay ragga la sugaayay, iyada oo Ciidamada ay si degdeg ah u joojiyeen gaari noociisu ahaa Suzuki Alto, kaas oo ay saarnaayeen ragga waday Ugaarsiga Sharci darrada ah.

Ciimada ayaa Gacanta ku dhigay Lix Rag ah oo la sheegay inay ahaayeen Soomaali hubeysan iyo Hilibka Geriga oo ay soo ugaarsadeen, waxaana ragga la qabtay magacyadooda iyo Agabkii ay wateen lagu kala sheegay:

  • Fu’aad Xuseen Mukhtaar (30 jir), darawalka gaariga
  • Mahat Diiriye Xuseen (34 jir)
  • Xasan Jehow Diiriye (56 jir)
  • Idle Faarax Dagane (52 jir)
  • Xuseen Ibraahim Cabdiraxmaan (45 jir)

” Markii gaariga la baaray, waxaa laga dhex helay qiyaastii 200 kiilo oo hilib geri ah iyo madaxa geri la gowracay, taas oo muujinaysa halista joogtada ah ee ugaarsiga sharci darrada ah uu ku hayo duurjoogta. Qiimaha xamuulkan ayaa lagu qiyaasay ilaa 200,000 oo Shilin Kenyan ah ayaa lagu yiri”  War kasoo baxay Ciidamada Dambi baarista Kenya.

Dhacdadan ayaa mar kale muujineysa in falalka sharci darrada ah ay siweyn ugu sii kordhayan Gudaha dalka Kenya, waxaana dalka kenya mamnuuc ka ah gebi haanba ugaarsiga Xayawaanka Duurjoogta ah, waxaana Raggan la qabtay oo markii hore lagu xiray Saldhiga Magalada Gaarisa loo gdubiyay Magaalada Nairobi, si halkaasi loogu Maxkamadeeyo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *