LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Villa Somalia oo musharax Fargeeti ka reebeysa doorashada KGS & xiisad ka dhalatay

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay si toos ah uga codsatay musharrax Fargeeti inuu u tanaasulo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, oo la sheegay inuu yahay musharraxa ay wadato dowladda federaalka ee doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed (KGS).

Sida xogta aan helnay muujineyso, musharrax Fargeeti ayaa si cad u diiday codsigaasi, isagoo ka biyo diiday inuu ka haro tartanka. Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay sii adkeyneyso loollanka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed, xilli ay socoto qabanqaabada doorashada.

Dhanka kale, musharrixiin kale oo tartanka ku jira ayaa la filayaa inay u midoobaan sidii looga hortagi lahaa in Sheekh Aadan Madoobe si sahlan loogu gacan geliyo kursiga, taasoo muujineysa isbahaysiyo cusub oo siyaasadeed oo ka dhex abuurmaya musharrixiinta mucaaradka.

Musharrax Fargeeti, oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka, ayaa loo arkaa shaqsi leh saameyn siyaasadeed oo kordheysa. Dowladda federaalka ayaa ka muujisay walaac ku aaddan suurtagalnimada in Fargeeti uu guul ka gaaro doorashada, ama ugu yaraan uu cadaadis xooggan saaro musharraxa ay taageereyso.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid cirka isku sii shareereysa, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan isbedello cusub iyo loollan adag oo ku saabsan cidda hoggaanka u qaban doonta maamulkaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *