LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Shaqada Dekadda Muqdisho oo la hakiyay, qorsho weyn oo laga damacsan yahay

Shaqada Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka la hakiyay, iyadoo tallaabadan lagu macneeyay mid qayb ka ah diyaar-garow ballaaran oo loogu jiro soo dhoweynta markab qodaya shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo laga leeyahay dalka Turkiga, isla markaana Maanta kusoo xirtay dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in xiritaanka dekedda uu la xiriiro soo dhaweyn heersare ah oo loo sameynayo Markabka Beri oo Jimce ah, taas oo ay ka qeyb geli doonaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay ka soo laabtay magaalada Baydhabo, ayaa la filayaa inuu kamid noqdo madaxda si rasmi ah uga qeyb geli doonta soo dhoweynta markabkan.

Munaasabadda soo dhaweynta Markab oo noqon doonta mid weyn ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga, iyada oo Amniga Dekadda iyo degmooyinka ku hareereysan siweyn loo adkeeyay.

Imaanshaha markabkan shidaal qodista ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan shidaalka. Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu sare u qaado rajada laga qabo kobaca dhaqaale, soo jiidashada maalgashi shisheeye, iyo horumarinta mustaqbalka dhaqaale ee Soomaaliya.

Tani waxay imaaneysaa xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixinayso sidii loo sahmin lahaa loona horumarin lahaa kheyraadka shidaalka, iyadoo iskaashi la leh shirkado iyo dowlado caalami ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *