Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Imaanshaha Markabka Shidaalka qodaya

Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareyneysaa imaatinka markabka qodista shidaalka ee “Çağrı Bey”.
Markabka Çağrı Bey ayaa si rasmi ah u soo gaaray biyaha Soomaaliya, isagoo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso ka faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka dalka.
Sida qorshuhu yahay, waxaa si rasmi ah loo soo dhaweyn doonaa markabkan maalinta Jimcaha ee soo socota, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo daneeyayaasha kale ee muhiimka ah.
Kadib munaasabadda soo dhaweynta, markabka wuxuu si toos ah u guda geli doonaa howlaha qodista shidaalka, isagoo raacaya heerarka farsamo iyo badbaado ee caalamiga ah.
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta waxay xaqiijinaysaa in howlahan lagu fulin doono si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo la ilaalinayo deegaanka iyo danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.









