Ciidamada Dowladda oo ku dhow inay la wareegaan Degmada Maxaas

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Goobo oo qiyaastii 12 KM u jira degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib howlgal ay ka fuliyeen halkaasi.
Taliyaha Qaybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cali Cageey, ayaa sheegay in ciidamadu ay deegaanka ka saareen xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo horay u joogay halkaasi. Taliyaha ayaa xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku sugan yihiin kooxda.
La wareegitaanka deegaanka Goobo ayaa muhiim u ah istiraatiijiyadda ciidamada, maadaama ay sahli karto in la gaaro degmada Maxaas oo ay weli maamulaan Al-Shabaab. Sidoo kale, guushan ayaa la filayaa inay dardar geliso howlgalada ka socda gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada gobolka, isla markaana laga saarayo kooxaha nabad-diidka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo kaashaneysa ciidamada deegaanka iyo shacabka, si dib loogu soo celiyo amniga iyo xasiloonida dalka.









