LATEST NEWSLOCAL NEWS

Dil ka dhacay Magalada Gaalkacyo & faah faahino laga helayo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska Puntland, kadib iska horimaad hubeysan oo dhex maray ciidanka iyo koox hubeysan oo aan weli la aqoonsan.

Falkan ayaa ka dhacay Xaafada Jiiro Garoob ee waqooyiga magaalada, halkaas oo la sheegay in rasaas culus ay isweydaarsadeen ciidamo ka tirsan Booliska iyo maleeshiyaad hubeysan. Iska horimaadka ayaa sababay dhimashada askariga, iyadoo aan la xaqiijin khasaaraha kale ee ka dhashay.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland oo faahfaahin ka bixiya dhacdadan, cidda ka dambeysa weerarka, iyo tallaabooyinka la qaaday.

Dhacdadan ayaa imaneysa xilli dhowaan isla magaalada Gaalkacyo lagu dilay askari kale oo ka tirsanaa Booliska, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo xaaladda amni ee magaalada, gaar ahaan qeybaha waqooyi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in habeenadii u dambeeyay ay jireen falal amni darro oo isa soo taraya, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo iska horimaadyo goos-goos ah.

Maamulka Puntland ayaa horay u ballanqaaday in ay xoojinayaan amniga magaalada Gaalkacyo, balse dhacdooyinkan isdaba jooga ah ayaa muujinaya caqabado weli jira.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *