LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Meydka Wiilyar oo laga helay Ceel ku yaalla Garoowe & Qoyskiisa oo Afka furtay

Ciidamada Dambi-baarista Puntland (CID) ayaa si rasmi ah u wada baaritaanno la xiriira kiiska wiil yar oo meydkiisa laga helay ceel ku yaalla magaalada Garoowe, kaddib markii muddo saddex maalmood ah la la’aa halka uu ku dambeeyay.

Wiilka yar oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xirsi Siciid Awmuse, ayaa la sheegay inuu ka baxay gurigiisa, balse aan dib loo arag tan iyo maalintii uu maqnaa, taas oo keentay in ehelladiisa iyo bulshada deegaanka ay bilaabaan baadi-goob ballaaran.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in meydka wiilka laga helay ceel ku yaalla duleedka Garoowe, iyadoo xaaladda meydka ay muujineyso tuhun la xiriira fal dil ah. Ehellada marxuumka ayaa si adag u sheegay in wiilkooda si ula kac ah loo dilay, isla markaana aysan ahayn shil.

Qoyska iyo qaraabada Maxamed Xirsi ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka iyo kuwa garsoorka ee Maamulka Puntland inay si deg-deg ah u soo qabtaan cid kasta oo ku lug leh dilka, isla markaana cadaaladda la horkeeno.

“Wiilkayaga si arxan darro ah ayaa nalaga dilay, waxaan rabnaa in cadaalad la helo, cidda ka dambeysayna la horkeeno sharciga,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada marxuumka oo warbaahinta la hadlay.

Dhanka kale, Ciidamada Dambi-baarista Puntland (CID) ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno qoto dheer oo lagu ogaanayo sababta dhimashada iyo cidda ka dambeysay falkaas. Saraakiil ka tirsan CID-da ayaa tilmaamay in la ururinayo caddeymo iyo xog muhiim ah, islamarkaana ay rajeynayaan in natiijo cad laga gaaro kiiskan.

Kiiskan ayaa si weyn u gilgilay bulshada ku nool Garoowe, iyadoo dad badan ay muujinayaan walaac la xiriira amniga carruurta, isla markaana ay dalbanayaan in la xoojiyo ilaalinta iyo dabagalka dambiyada noocan oo kale ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *