Author: Banaadir24

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ku sheegtay in beesha caalamku si dhow ula socoto wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, xilli uu dalka wajahayo kala-guur siyaasadeed. Qoraalka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo macquul ah, kana tarjumaya xaaladaha amni, dhaqaale iyo waqtiga jira, si looga fogaado dib u dhac hor leh. Sidoo kale Midowga Yurub ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay in go’aamada la gaarayo ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, islamarkaana aan la dayicin doorka haweenka iyo dhallinyarada. Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay…

Read More

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii nabadeed ee lagu waday inuu dhaco 16-ka May 2026. Madashu waxay sheegtay in go’aanka dib u dhigista loo qaatay si fursad loo siiyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay dhex dhexaadinayaan xubno ka tirsan beesha caalamka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu diiradda saarayaan arrimo ay kamid yihiin: Xabsiga sharci darrada ah Doorashooyinka Maareynta marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale caddeysay in bannaanbaxa uu ahaa mid nabadeed oo lagu dalbanayay: Joojinta barakicinta Doorashooyin…

Read More

Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Ufayn, Kabtan Maxamed Axmed Carab, ayaa caawa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaalkii shalay galab ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ku dhexmaray deegaanka Togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad. Marxuumka ayaa kamid ahaa saraakiishii iyo masuuliyiintii hore ee ka qeyb qaadanayay howlgalada ka dhanka ah kooxaha mintidiinta ah ee ka socda gobolka Bari, waxaana geeridiisa si weyn uga naxay bulshada deegaanka iyo ciidamada Puntland. Dagaalkii Togga Jaceel ayaa sidoo kale sababay khasaare kale oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada Puntland ay weli wadaan howlgallada ay ku baacsanayaan dagaalyahanada Daacish…

Read More

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 15-ka May 2026 ku eg muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, iyadoo dalka uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah. Mucaaradka dowladda Federaalka, qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo siyaasiyiin hore ayaa muddooyinkii dambe si isdaba joog ah u sheegayay in muddo xileedka madaxweynaha uu si rasmi ah maanta u dhammaanayo, islamarkaana aan la aqbali doonin muddo kororsi aan heshiis siyaasadeed lagu dhisin.   Doodda ugu weyn ayaa ka taagan sharciyadda sii joogitaanka dowladda, maadaama aan weli la isku raacin hannaan doorasho oo mideysan. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda horay…

Read More

Wada-hadallada ka socda xerada Xalane ayaa galay marxalad xasaasi ah kadib kulan galabta dhexmaray dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, kaas oo la sheegay inuu yeeshay dood adag iyo is mari-waa qaatay saacado badan. Sida ay ogaatay Banaadir24 Online, wakiillada beesha caalamka ayaa si toos ah ugu lug yeeshay kulanka, iyagoo isku dayay inay labada dhinac ku riixaan tanaasul iyo isu soo dhowaansho ku saabsan qodobada la isku hayo. Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaar kamid ah qodobadii muranka dhaliyay laga gaaray is faham hordhac ah, inkastoo wali ay jiraan arrimo waaweyn oo aan xal kama dambeys ah laga gaarin. Labada dhinac…

Read More

Maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku sheegay in doorashadii qof iyo cod ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ka qabatay qaar kamid ah deegaannada Koonfur Galbeed ay tahay mid “aan sharciyad lahayn.” War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in maamulka Koonfur Galbeed uu yahay dowlad-goboleed rasmi ah oo dastuur ahaan jira, isla markaana leh hay’ado sharci ah oo u xilsaaran maamulka iyo hoggaaminta deegaannada maamulkaasi. Maamulka Laftagareen ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta oo qabata doorasho ama dhista maamul aan loo marin hannaan sharci ah ay halis ku tahay nidaamka…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay adeegsato joogitaankeeda militari ee Soomaaliya si ay saameyn ugu yeelato siyaasadda iyo arrimaha gudaha dalka. War-saxaafadeed lagu baahiyay barta NSosyal ee dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin “kuwo gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn.” Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharci ah oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah, isla markaana ujeedkiisu yahay xoojinta amniga, xasilloonida iyo awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in ciidamada iyo howlaha tababarka ee Turkiga ka waddo…

Read More

Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa shir-guddoomiyay shir amni oo muhiim ah oo ka qabsoomay caasimadda kumeel gaarka ah ee magaalada Baydhabo. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala magaalada Baydhabo, waxaana si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda amni ee magaalada, caqabadaha jira, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada magaalada. Intii uu socday kulanka, Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la dardargaliyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana xoojiyo isku dubbaridka howlgalada si looga hortago khataraha…

Read More

Warar laga helayo degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan lagu arkay qeybo kamid ah duleedyada degmadaasi, gaar ahaan deegaanka Qaqarka Ceelweynaha. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa ciidamadaasi uu cabsi iyo walaac ku abuuray shacabka ku nool halkaasi, iyadoo laga baqayo in xaalad amni darro ay ka dhalato. Wararku waxay tilmaamayaan in ciidamada la arkay ay kamid yihiin xoogag daacad u ah madaxweynihii loo itaalka sheegtay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo kamid ah gobolka Baay. Laba habeen kahor ayay ahayd markii ciidamo aad u…

Read More

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maanta gudaha xerada Xalane lagu qaban doono kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka, kaas oo diiradda lagu saarayo geedi socodka doorashooyinka dalka iyo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafaadka taagan. Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta JOCC ee ku taalla Xalane, waxaana isku keenaya dhinacyada reer galbeedka iyo dhexdhexaadiyayaal caalami ah oo door weyn ku leh dadaallada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Dhinaca Dowladda Federaalka waxaa kulanka uga qeybgalaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, halka Golaha Mustaqbalka ay matalayaan Madaxweynihii…

Read More