Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Sii-hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa sheegay in Mareykanku uu si dhow ula socdo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu ku adkaynayo in xal kasta oo lagu dhammeynayo khilaafaadka uu ku yimaado wada-hadal iyo is-afgarad u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka. Justin Davis ayaa caddeeyay in Mareykanku aanu hoggaaminayn ama martigelinayn dhex-dhexaadin rasmi ah, balse uu dhiirigelinayo in dhinacyada siyaasadda ay si toos ah u wada hadlaan si loo yareeyo xiisadaha taagan. Waxa uu sidoo kale sheegay in mustaqbalka Soomaaliya uu gacanta ugu jiro shacabka iyo hoggaamiyeyaasha dalka, ayna muhiim tahay in xalalka siyaasadeed ay…
Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee magaalada Baydhabo ayaa cirka isku sii shareertay, kadib markii xalay gudaha magaalada Baydhabo lagu arkay ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamadaasi lagu arkay xaafado iyo waddooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin Xanaano, Al-Faras iyo waddada 30-ka, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo si weyn looga hadal hayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay xalay ahayd mid aad u kacsan, iyadoo shacabka intooda…
Xildhibaanad Faa’iso Jeeyte ayaa shaacisay arrin naxdin leh oo ku saabsan khasaaraha ciidamada dowladda Soomaaliya kasoo gaaray dagaalka Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in askar badan lagu waayay howlgaladii dalka ka socday sanadihii u dambeeyay. Xildhibaannada ayaa sheegtay in ciidamada la qoray sanadkii 2023 oo lagu qiyaasay 15,000 askari, ku dhawaad 10,000 oo kamid ah lagu dilay dagaalladii lala galay Al-Shabaab, halka qiyaastii 5,000 oo kaliya ay weli firfircoon yihiin. Faa’iso Jeeyte ayaa sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaanno badan oo hore looga saaray, iyadoo sheegtay in dowladda aysan awoodin inay sii haysato inta badan goobihii lagu dagaallamay.…
Guddiga Doorashooyinka oo war soo saaray kuna dhawaaqay in tirinta codadka Doorashooyinka K/Galbeed…
Guddiga Doorashooyika Qaranka ayaa ka faah-faahiyay warbixintii uga dambeysay ee tirinta codadkii doorashadii qof iyo codka ahayd ee xubnaha Golaha deegaanka iyo Golaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed ka qabsoontey 13-ka degmo ee maamulkaas. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed, Ururada siyaasadda, warbaahinta iyo dhammaan daneeyeyaasha Doorashooyinka la wadaagay in geeddi socodka tirinta , gudbinta iyo hubinta natiijada Doorashada isku sidkan ee Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed uu si habsami leh u socdo, iyadoo dhammaan howlahaas loo fulinayo sida waafaqsan sharciga Doorashooyinka qaranka. ” Guddigu wuxuu xaqiijinayaa in si waafaqsan qodobka 61-aad ee sharciga Doorashooyinka…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Midowga Yurub uu Soomaaliya garab taagnaa xilliyadii ugu adkaa, gaar ahaan taageerada dhinacyada bani’aadannimada, dib-u-dhiska dowladnimada, horumarinta hay’adaha dowladda, amniga iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha oo ay door weyn ka qaateen horumarkiisa. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar la taaban karo, iyada oo dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska hay’adaha, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee si nabad ah saaka uga bilowday deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xaaladda magaalada Muqdisho iyo gogosha wadatashiga qaran ee ay dowladdu u fidisay siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay Doorashooyinka qofka iyo codka ah ee saakay looga dareeray deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo cabiraya ra’yigooda iyo cidda ay rabbaan in ay hoggaamiso, wuxuuna hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed oo taariikh iyo bog cusub u furay Soomaaliya. “…
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad amni oo aad u kacsan ay saaka ka jirto caasimadda, kadib markii la xiray inta badan jidadka muhiimka ah ee magaalada, halka dhaqdhaqaaqii shacabka iyo gaadiidkaba si weyn loo hakiyay. Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo aad u fara badan ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, iyadoo ilaha deegaanka ay sheegayaan in si gaar ah loo adkeeyay goobaha ay deggen yihiin xubnaha mucaaradka iyo mas’uuliyiin hore. Sidoo kale, dadka ku sugan magaalada ayaa sheegay in hawada Muqdisho laga maqlayay dhawaaqa diyaarad dagaal oo nooca F-16 ah, taas oo la sheegay inay ka…
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir, ayaa shacabka ku nool magaalada Muqdisho ku wargeliyay in aan maalinta berri ah la oggolaan doonin bannaanbaxyo hubeysan, rabshado wata, ama isu-soo-bax kasta oo halis gelin kara amniga iyo xasilloonida Caasimadda. Laamaha Ammaanka ayaa sheegay in kaliya la oggol yahay bannaanbax nabadeed oo waafaqsan sharciga iyo nidaamka amniga, kaas oo lagu qaban doono EGN Yariisoow. Sidoo kale waxaa si adag loo mamnuucay in hub lagu dhex qaato goobaha isu-soo-baxyada ama la sameeyo abaabul sababi kara qalalaase iyo rabshado. Booliiska ayaa shacabka uga digay inay ka fogaadaan kooxaha iyo shaqsiyaadka ku howlan hurinta…
Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Taliye ku xigeenkii Garoonka Diyaaradaha Baydhabo uu saaka aroortii la goostay 17 askari oo hubeysan, kuwaas oo watay labo qori oo nooca BKM ah iyo hal gantaal RPG-7 ah. Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, taliyaha iyo ciidamadiisa ayaa ku biiray xoogag daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, kuwaas oo fariisimo ku leh duleedka magaalada Baydhabo. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ee ka taagan Baydhabo, iyadoo la sheegayo in ciidamada taageersan Lafta-Gareen ay wadaan abaabul ka dhan ah ciidamo ay…
Ciidamo aad u fara badan oo amniga sugaya ayaa caawa lagu daadiyay dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee gala Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu haatan ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor). Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in xaaladda amni si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada kala duwan ee ammaanka ay xireen waddooyin dhowr ah oo ku dhow xarunta madaxtooyada. Dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi ayaa lagu soo rogay baaritaanno adag, waxaana la dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn gudaha magaalada. Ilo wareedyo ku dhow maamulka Galmudug ayaa tilmaamaya…