Turkiga Oo Si Caro Leh Uga Jawaabay Arrin Lagu Eedeeyay Inuu Ka Wado Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay adeegsato joogitaankeeda militari ee Soomaaliya si ay saameyn ugu yeelato siyaasadda iyo arrimaha gudaha dalka.
War-saxaafadeed lagu baahiyay barta NSosyal ee dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin “kuwo gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn.”
Turkiga ayaa sheegay in iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid sharci ah oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah, isla markaana ujeedkiisu yahay xoojinta amniga, xasilloonida iyo awoodda hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in ciidamada iyo howlaha tababarka ee Turkiga ka waddo Soomaaliya ay diiradda saarayaan dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, casriyeynta hay’adaha amniga iyo sare u qaadidda awoodda la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, dowladda Turkiga waxay si cad u sheegtay in saraakiisheeda militariga aysan “wax lug ah ku lahayn” geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ama khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka.
Turkiga ayaa mar kale ku celiyay inuu taageersan yahay sii socoshada hannaan dimuqraadi ah oo nabdoon, isagoo xusay inay si buuxda u ixtiraamayaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.









