Xasan Sheekh Oo Wajahaya Cadaadis Caalami Ah & Midowga Yurub oo…

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa qoraal ay ku baahisay baraha bulshada ku sheegtay in beesha caalamku si dhow ula socoto wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, xilli uu dalka wajahayo kala-guur siyaasadeed.
Qoraalka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo macquul ah, kana tarjumaya xaaladaha amni, dhaqaale iyo waqtiga jira, si looga fogaado dib u dhac hor leh.
Sidoo kale Midowga Yurub ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay in go’aamada la gaarayo ay noqdaan kuwo loo dhan yahay, islamarkaana aan la dayicin doorka haweenka iyo dhallinyarada.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay sugayaan bayaan mideysan iyo jadwal cad oo horseedi kara kala-guur nabdoon iyo heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.
Fariintan oo si toos ah loogu calaamadeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo fasirtay cadaadis diblomaasiyadeed oo muujinaya in taageerada caalamiga ah ay ku xirnaan karto sida ay madaxda Soomaalidu uga heshiiyaan arrimaha doorashooyinka.









