Guddoomiyihii hore ee Ufayn oo u geeriyooday dhaawicii soo gaaray

Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Ufayn, Kabtan Maxamed Axmed Carab, ayaa caawa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray dagaalkii shalay galab ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ku dhexmaray deegaanka Togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.
Marxuumka ayaa kamid ahaa saraakiishii iyo masuuliyiintii hore ee ka qeyb qaadanayay howlgalada ka dhanka ah kooxaha mintidiinta ah ee ka socda gobolka Bari, waxaana geeridiisa si weyn uga naxay bulshada deegaanka iyo ciidamada Puntland.
Dagaalkii Togga Jaceel ayaa sidoo kale sababay khasaare kale oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada Puntland ay weli wadaan howlgallada ay ku baacsanayaan dagaalyahanada Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad.
Kooxda Daacish ayaa kamid ah kooxaha argagixisada ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed waxayna kooxdaas iminka wajahaysaa xaalad adag oo isugu jira dagaallo iyo duqeymo culus oo uga imaanaya ciidamada Puntland iyo kuwa mareykanka.









