Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga iyo caburinta lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, isagoo sheegay in tallaabooyinkaasi ay dhaawacayaan xorriyadda hadalka iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka Soomaaliya. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in si sharci-darro ah loo xiray wariyeyaasha kala ah Cabdixaafid Nuur, Maxamed Bulbul iyo Cabdishakuur Maxamed, isaga oo ku tilmaamay arrintaasi “falal is-daba-joog ah oo lagu aamusinayo codadka bulshada iyo saxaafadda madaxa bannaan ee dalka oo maalmihii u dambeeyay wajahayay xarig iyo caga jugleyn uga imaaneysay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. “Maa aha xilli la bartilmaameedsado dadka u taagan gudbinta cabashada iyo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe ballaaran oo lagu dhisayo guryo casri ah oo loo sameynayo 12,000 oo qoys, kuwaas oo lagu qiyaasay in ay ka kooban yihiin ku dhowaad 80,000 oo qof, sida uu sheegay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska XFS, Mudane Ayuub Ismaaciil. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay bixinayso dhulka iyo dhismaha, iyadoo la qorsheynayo in la hirgeliyo xaafado casri ah oo leh adeegyo muhiim ah sida iskuullo, masaajiddo, goobo ganacsi iyo garoomo lagu ciyaaro. “Dowladda Soomaaliya waxay guryo u dhisi-doontaa 12,000 oo qoys oo qiyaastii noqoneysa 80,000 oo qof. Dhulka iyo dhismaha oo ay dowladdu bixineyso…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ciidamo kala duwan kasoo qaadayso fariisimaha Xarardheere, deegaannada Qeybta 21-aad iyo Xananbuure, kuwaas oo dib loogu ururinayo magaalada Dhuusamareeb si loogu adeegsado howlgal amni sugid, sida ay sheegayaan ilo ku dhow Villa Somalia. Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyeyaasha ciidamada amniga DFS ay aroornimadii hore maanta ka ambabaxayaan Muqdisho, iyagoo ku wajahan garoonka Dhuusamareeb, halkaas oo lagu wado xilwareejinta Taliyihii Booliska ee xilka laga qaaday iyo la wareegista taliyaha cusub. Dowladda Federaalka ayaa si weyn u xoojinaysa amniga magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dadaal ugu jirta hirgelinta qorshaha doorashooyinka qof iyo cod ah, inkastoo…
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad amni oo aad u kacsan, kadib markii ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in maalin kasta ay 30 illaa 40 askari ka goosanayaan ciidamada dowladda, kuwaas oo ku biiraya ciidamo taageersan Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku sugan qaybo kamida gobolka Baay. Wararka ayaa tilmaamaya in xiisadda sii kordheysa ay dhalin karto dagaal toos ah oo ka qarxa Baydhabo saddexda maalmood ee soo socota, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn laga dareemayo gudaha magaalada. Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in maanta lagu arkay goobo istiraatiiji ah dagaalyahanno isku…
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta habraacyada Baasaboorka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood, gaar ahaan arrimaha la xiriira baasaboorrada diblomaasiga ah, service-ka iyo kuwa rasmiga ah ee dowladda, habraacyada socdaalka, iyo isdhaafsiga xogaha muhiimka ah si loo dardargeliyo isku duwidda shaqooyinka iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta…
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Difaaca dalka Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun, intii uu socday Bandhigga Warshadaha Difaaca ee SAHA 2026 oo lagu qabanayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Suudaan, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladnimada. Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay yeeshaan iskaashi joogto ah oo ku dhisan danaha wadaagga ah, iyadoo xoogga la saarayo isweydaarsiga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay heshiisyo qarsoodi ah kula gashay ganacsato ka yimid gobollo kala duwan iibinta dhul kuyaalla Faras-magaalaha degmada Afgooye, iyadoo la sheegay in lacagaha laga helayo loo adeegsanayo doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in dhulkan uu yahay mid ay hadda dad degan yihiin, balse dowladda ay dardar gelisay qorshaha iibinta, xilli guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe la sheegay inuu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo cabashooyin dhaqaale oo la xiriira kursiga loo xiray. Wararka ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah lacagaha heshiisyada la kala hormarsaday, hase yeeshee ganacsato badan…
Madaxweynaha Burkina Faso mudane Kabtan Ibrahim Traoré ayaa maanta qaabilay wasiirka amniga dowladda FS Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi uu hogaaminayo, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga labada dowladood iyo horumarinta calaaqaadka dhinaca amniga, la dagaallanka argagixisada. Fartaag ayaa Kabtan Traoré u gudobiyey farriin rasmi ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. ” Waxaan isla garannay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada is-weydaarsiga xogta sirdoonka, tababarrada, iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga” ayuu yiri wasiir Fartaag. Burkina Faso iyo Soomaaliya waxay wadaagaan caqabado isku mid ah oo la xiriira la dagaalanka argagixisada.
Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ururka 95-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim. Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Walag oo hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo ciidamadu si gaar ah ugu beegsadeen horjoogahan muddo dhibaato ku hayay shacabka. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Ibraahim uu Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta baadda laga qaado shacabka ku nool Waajid iyo nawaaxigeeda, isagoo si joogto ah cabsi iyo cadaadis ugu hayay bulshada deegaanka. Hay’adaha amniga ayaa muddo dheer ku daba jiray…
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wakiilada caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kooxda C+, ay bilaabeen dadaallo xooggan oo lagu dhex-dhexaadinayo khilaafka u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladda Federaalka. Wararka ayaa tilmaamaya in Reer Galbeedka ay si rasmi ah uga dalbadeen labada dhinac in ay ka qeyb galaan kulan muhiim ah oo ka dhici doona gudaha xarunta Xalane, kaas oo ujeedkiisu yahay dhexdhexaadin iyo xal u helidda muranka siyaasadeed. Xogaha hoose oo ay heshay Banaadir24 Online, ayaa sheegaya in labada dhinac ay aqbaleen dhex-dhexaadinta, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay miiska…