Shir Xasaasi ah oo Ka Furmaya Xalane, Xasan Sheekh & Golaha Mustaqbalka oo Wada-hadal Yeelanaya

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maanta gudaha xerada Xalane lagu qaban doono kulan xasaasi ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyayaasha Golaha Mustaqbalka, kaas oo diiradda lagu saarayo geedi socodka doorashooyinka dalka iyo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafaadka taagan.
Kulanka ayaa ka dhici doona xarunta JOCC ee ku taalla Xalane, waxaana isku keenaya dhinacyada reer galbeedka iyo dhexdhexaadiyayaal caalami ah oo door weyn ku leh dadaallada lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Dhinaca Dowladda Federaalka waxaa kulanka uga qeybgalaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, halka Golaha Mustaqbalka ay matalayaan Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Indhaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda kusoo jeeda Xalane, iyadoo la sugayo in kulankan uu horseedo is-afgarad cusub ama uu sii xoojiyo cadaadiska siyaasadeed ee jira.









