Banaanbixii Lagu Waday Inay Mucaaradka Qabtaan 16 May Oo Dib Loo Dhigay

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay bannaanbaxii nabadeed ee lagu waday inuu dhaco 16-ka May 2026.
Madashu waxay sheegtay in go’aanka dib u dhigista loo qaatay si fursad loo siiyo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay dhex dhexaadinayaan xubno ka tirsan beesha caalamka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in wada-hadalladu diiradda saarayaan arrimo ay kamid yihiin:
- Xabsiga sharci darrada ah
- Doorashooyinka
- Maareynta marxaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka
Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale caddeysay in bannaanbaxa uu ahaa mid nabadeed oo lagu dalbanayay:
- Joojinta barakicinta
- Doorashooyin hufan
- Ilaalinta dastuurka
- Amniga iyo xuquuqda muwaadiniinta
Sidoo kale waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in taariikh cusub oo bannaanbaxa dib loo qabanayo la shaacin doono marka horumar laga gaaro wada-hadallada socda.










