LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Laftagareen oo war culus soo saaray kadib arrin ay sameysay Dowladda Federaalka

Maamulka uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku sheegay in doorashadii qof iyo cod ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ka qabatay qaar kamid ah deegaannada Koonfur Galbeed ay tahay mid “aan sharciyad lahayn.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in maamulka Koonfur Galbeed uu yahay dowlad-goboleed rasmi ah oo dastuur ahaan jira, isla markaana leh hay’ado sharci ah oo u xilsaaran maamulka iyo hoggaaminta deegaannada maamulkaasi.

Maamulka Laftagareen ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta oo qabata doorasho ama dhista maamul aan loo marin hannaan sharci ah ay halis ku tahay nidaamka federaalka, midnimada shacabka iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, maamulka ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay “ciidamo si sharci-darro ah loogu soo gelinayo” deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay shacabka iyo beesha caalamka inay ka feejignaadaan wararka lagu marin habaabinayo bulshada.

Hadalkan kasoo baxay maamulka Laftagareen ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in deegaanno kamid ah Koonfur Galbeed ay ka qabatay doorashooyin qof iyo cod ah, arrintaas oo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *