Wararkii ugu dambeeyay Ciidamada Cabdicasiis Laftagareen oo degmada Bardaale…

Warar laga helayo degmada Berdaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan lagu arkay qeybo kamid ah duleedyada degmadaasi, gaar ahaan deegaanka Qaqarka Ceelweynaha.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqa ciidamadaasi uu cabsi iyo walaac ku abuuray shacabka ku nool halkaasi, iyadoo laga baqayo in xaalad amni darro ay ka dhalato.
Wararku waxay tilmaamayaan in ciidamada la arkay ay kamid yihiin xoogag daacad u ah madaxweynihii loo itaalka sheegtay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday qeybo kamid ah gobolka Baay.
Laba habeen kahor ayay ahayd markii ciidamo aad u hubeysan oo taabacsan Laftagareen lagu arkay qeybo kamid ah magaalada Baydhabo xilli ay ku hanjabeen inay dib u qabsanayaan magaalada Baydhabo.
Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Berdaale ama maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan ujeedka ciidamadaasi iyo sababta ay ugu sugan yihiin duleedyada degmada.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana shacabka deegaanka ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada cusub ee ka socda halkaasi.









