LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mahad Salaad Oo Kulan Xasaasi Ah La Yeeshay Sheekh Shariif, Maxaa Soo Kordhay?

Xogo la helayo ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Salaad, uu xalay kulamo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amniga caasimadda Muqdisho iyo bannaanbaxa mucaaradku ku baaqeen inuu qabsoomo 4-ta bisha Juun.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in kulamadan ay daba socdaan wada-hadallo xalay dhex maray Mahad Salaad iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. Kulamada ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed ee sii kordheysa isla markaana lagu xaqiijiyo in bannaanbaxyadu ku dhacaan si nabad ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in dhinacyadu ay isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo in bannaanbaxyada la qorsheeyay ay horseedi karaan qalalaase ama iska horimaadyo haddii aan si taxaddar leh loo maareyn.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hore u sheegtay in bannaanbax dhawaan ka dhacay Muqdisho ay ka qayb qaateen ciidamo hubeysan oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, arrin sii xoojisay walaaca laga qabo amniga caasimadda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *