Ciidamo dheeraad ah oo ku biiray ciidanka Laftagareen & Cabsi soo wajahday Ciidamada Dowladda ee…

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa sii xoogeysatay maanta kadib markii malaaq caan ah iyo ciidamo hubeysan oo taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay ku biireen ciidamada ku sugan duleedka magaalada.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in Malaaq Cali Maxamed Nuur “Shanla Gaab” iyo maleeshiyaad uu hoggaaminayo ay si rasmi ah ugu biireen ciidamada daacadda u ah Laftagareen, kuwaas oo horeyba iskugu abaabulayay hareeraha Baydhabo.
Sidoo kale, ciidamo kale oo la sheegay inay kasoo goosteen degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta gaaray duleedka Baydhabo, iyagoo ku dhawaaqay inay garab istaagayaan Laftagareen iyo ciidamada taageersan.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in ciidamada cusub ay wataan hub culus, halka dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo is uruursi xooggan laga dareemayo furimaha ku xeeran magaalada. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho iska horimaad hubeysan haddii aan xal siyaasadeed degdeg ah laga gaarin khilaafka taagan.
Dadka ku nool Baydhabo ayaa muujinaya cabsi sii kordheysa oo ku saabsan saameynta ay xiisadahani ku yeelan karaan amniga, ganacsiga iyo nolol maalmeedka magaalada.









