Ciidamo Lagu Daabulayo Dhuusamareeb Kahor Axadda, Qorshaha Dowladda Oo Banaanka Yimid

Xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan Galmudug ayaa sii xoogeysanaysa, kadib markii inta badan ciidamada dowladda Federaalka ee kusugan deegaannada maamulkaasi lagu amray inay si deg deg ah ula wareegaan amniga garoomada diyaaradaha magaalooyinka aysan hadda gacanta ku haynin.
Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ku sugan magaalada Dhuusamareeb la faray in aysan wax amar ah ka qaadan karin cid aan ka tirsaneyn Madaxtooyada Federaalka, taasoo muujinaysa in Villa Soomaaliya ay si toos ah ula wareegayso maamulka howlgalada amniga ee Galmudug.
Dhanka kale, qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamadii dhawaan tababarka loogu soo xiray deegaanka Xananbuure ayaa lagu amray heegan buuxa, iyadoo qorshuhu yahay in kahor maalinta Axadda ay gudaha u galaan magaalada Dhuusamareeb.
Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in labada daraf ee isku haya Galmudug ay si buuxda isku abaabuleen, halka dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto sidii toddobaadka soo socda bilowgiisa magaalada Dhuusamareeb loogu dajin lahaa guddiga doorashada, islamarkaana halkaasi loo geyn lahaa musharaxa la siiyay kaarka JSP.
Dhaqdhaqaaqyadan ciidan iyo kuwa siyaasadeed ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladda Galmudug isu beddesho loollan awood iyo gacan ka hadal siyaasadeed oo hor leh.









