LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mahad Salaad oo kiciyay dhul-gariir siyaasadeed oo cusub, kana soo horjeestay qorshaha Xasan Sheekh

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya wada-hadallo xasaasi ah oo shalay dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, ka dib kulan kale oo hore uga dhacay magaalada Muqdisho oo uu sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa muujinaya in wada-hadalladaasi ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in Mahad Salaad markii ugu horreysay si cad u soo bandhigay rabitaankiisa ku aaddan inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Galmudug, isagoo sidoo kale ku adkeystay in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) lagu qanciyo inuu tanaasulo, ama si kale loo go’aamiyo hoggaanka cusub ee maamulka.

Mahad ayaa sidoo kale la sheegay inuu caddeeyay inuusan qeyb ka noqon doonin xaalad siyaasadeed oo u muuqata mid u gudbeysa isku dhac ama qalalaase la mid ah kii hore uga dhacay Baydhabo, haddii loo arko in xaaladdu sidaas u socoto.

Dhanka kale, wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in maanta la filayo kulamo kale oo aad u adag, kuwaas oo dhici doona inta u dhexeysa 12-ka duhurnimo ilaa 3-da galabnimo, islamarkaana laga filayo in lagu gaaro go’aanno siyaasadeed oo saameyn weyn leh.

Qaar kamid ah kooxaha Mahad iyo QoorQoor oo isku dhawaanayay mudooyinkii u dambeeyey, ka dib markii JSP ay kaarkeeda saaratay dhinaca Musharax Liibaan Axmed ayaa sheegaya in ay rabaan dibu eegis doorasho.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ilaa hadda aysan jirin dhinac si buuxda u haysta taageerada Madaxweynaha, taasoo xaaladda ka dhigaysa mid weli furan oo aan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *