DEG DEG: Dagaal Ka Qarxay Baydhabo Iyo Ciidamada Laftagareen Oo Lawareegay…

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa saaka gashay marxalad aad u xasaasi ah kadib markii ciidamada taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay gudaha u galeen magaalada, gaar ahaan agagaarka Afar Irdoodka oo ah xarunta ugu muhiimsan magaalada isla markaana ku dhow xarumaha amniga iyo wasaaradaha maamulka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska caabin xooggan ay halkaasi ka dhacday, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada tiro dad ah, inkastoo aan wali la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada gudaha galay ay isugu jireen kooxo hore ugu sugnaa magaalada iyo ciidamo aroornimadii hore kasoo galay duleedka Baydhabo, kuwaas oo la sheegay inay ka gudbeen fariisimihii ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan la geeyay magaalada.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay gaareen bartamaha Baydhabo xilli qorshuhu ahaa in saaka la dhaariyo xildhibaannadii kasoo baxay doorashadii ay dowladda federaalku ka qabatay magaalada, balse howlahaas ayaan wali qabsoomin.
Afhayeen u hadlay ciidamada taageersan Laftagareen ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen magaalada Baydhabo, halka maamulka KMG ah ee dowladda taageerto uu si cad u beeniyay sheegashadaas, taasoo sii adkaysay jahwareerka ka taagan xaaladda dhabta ah ee magaalada.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo hubeysan oo lagu sheegay kuwa Laftagareen oo ku sugan gudaha magaalada, iyadoo xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ay gaartay heerkii ugu sarreeyay.









