Uncategorised

Xasan Sheekh Oo QoorQoor Ku Amray Inuu Ka Baxo Dhuusamareeb

Warar hoose oo isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si adag ugu cadaadinayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) inuu si nabad ah uga baxo magaalada Dhuusamareeb, xilli uu cirka isku shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan Villa Somalia iyo madaxda Galmudug.

Sida ilo xog ogaal ah u sheegeen Banaadir24 Online, kulamo iyo wada-hadallo qarsoodi ah oo todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday Muqdisho ilaa Galmudug ayaa lagu kala aragti duwanaaday qorshaha la xiriira xisbiga JSP iyo cidda loo sharxi doono musharaxa madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uusan dooneyn Axmed QoorQoor inuu noqdo musharaxa xisbiga JSP, isagoo ku adkeysanaya in isbedel siyaasadeed uu ka dhaco Dhuusamareeb kahor 4-ta June, oo la qorsheynayo in halkaasi lagu qabto munaasabadda shaacinta guddiga doorashada, xisbiga JSP iyo musharaxa madaxweyne-nimada.

Ilo wargal ah ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxweynaha uu dalbaday in marka la gaaro 2-da June madaxtooyada Galmudug ay noqoto goob uu ka shaqeynayo oo keliya ku simaha madaxweynaha, arrintaas oo loo fasirtay cadaadis siyaasadeed iyo fariin toos ah oo loo dirayo QoorQoor.

Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa hadda mareysa heer aad u xasaasi ah, iyadoo labada dhinac ay kala sheeganayaan taageero siyaasadeed iyo mid beeleed. Siyaasiyiin badan ayaa rumeysan in toddobaadka soo socda uu go’aamin doono jihada siyaasadeed ee maamulka Galmudug iyo xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Villa Somalia ay hadda adeegsaneyso xeeladdii ugu adkeyd ee siyaasadeed, si Dhuusamareeb looga hirgeliyo qorshe la mid ah isbedelladii hore uga dhacay maamulka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *