LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Dowladda oo u ruqaansaday Dhuusamareeb iyo dagaal la…

Wararka kasoo baxaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka ay kusii siqayaan magaalada Dhuusamareeb kadib markii ay kasoo gudbeen Mareergur iyagoo ka yimid Xarardheere, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka dhexeysa Villa Somalia iyo maamulka Galmudug.

Ilo amni ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay ka fiirsaneyso tallaabooyin adag haddii uu xal noqon waayo khilaafka kala dhexeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor”.

Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku haya cidda maamuli doonta doorashada soo socota ee Galmudug, iyadoo Villa Somalia lagu eedeynayo inay doonayso inay si toos ah u maamusho hanaanka siyaasadeed ee Dhuusamareeb iyadoo dhinac mareysa maamulka hadda jira.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in xaaladdu isu beddeli karto iska hor imaad hubeysan haddii aan degdeg loo helin xal siyaasadeed iyo wada hadal dhab ah.

Dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Xasan Sheekh ayaa isku dayeysa inay awood iyo tallaabooyin milatari u isticmaasho maamul goboleedyada xilli ay horey ugu awood sheegatay maamulkii Koonfur Galbeed ee uu hogaaminayay Laftagareen.

Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujinaya dhaq-dhaqaaqyada ciidan iyo suuragalnimada in Galmudug markale gasho xaalad amni darro iyo dagaal siyaasadeed oo cusub.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *