Ciidamo Daacad u ah Sheekh Shariif Oo La Wareegay Goobo Muhiim Ah oo Muqdisho Ku Yaalla

Ciidamo la sheegay inay daacad u yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen goobo muhiim ah oo ku yaalla degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho, kaddib iska horimaadyo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda halkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay qabsadeen Hoteellada Elite iyo Beach View, iyo sidoo kale qaar ka mid ah dabaqyada muhiimka ah ee degmada, iyagoo watay hub culus.
Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamadan ay doonyo uga soo gudbeen gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii la sheegay in ciidamada dowladda ay xireen waddooyinka waaweyn ee soo gala caasimadda si looga hortago gurmadyo ciidan oo ka imanaya gobollada Shabeellooyinka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadaasi ay la wareegeen goobihii uu dagaalku ka socday, halka xaaladda amni ee degmada Cabdi Casiis iyo nawaaxigeeda ay weli tahay mid aad u kacsan.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijinaya ama ka hadlaya wararkan, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda ka taagan Muqdisho.









