LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEGDEG: Dagaal Xooggan Oo Ka Qarxay Hoyga Sheekh Shariif, Rasaas Culus Oo Gilgishay Muqdisho

Dagaal culus ayaa markale ka qarxay agagaarka hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in la maqlayo rasaas xooggan oo xiriir ah, iyadoo iska horimaad hubeysan uu weli ka socdo deegaanka ku xeeran hoyga madaxweynihii hore.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ciidamada ammaanka iyo ciidamo daacad u ah Sheekh Shariif ay isku horfadhiyaan goobta, inkastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Xaaladda ayaa lagu tilmaamay mid aad u kacsan, iyadoo shacabka ku nool deegaankaasi ay cabsi ka muujinayaan sii socoshada iska horimaadyada.

Ilaa iyo hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka iyo waxa sababay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha xaaladda, dib ayaan idiinkaga soo gudbin doonnaa.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *