LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Booliiska Gobolka Banaadir Oo Ku Dhawaaqay Inuu Gabagabo Marayo Weerarka Lagu Qaaday Shariif Iyo Kheyre

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa soo saaray wargelin iyo digniin amni oo ku socota shacabka ku nool caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in geba-gebo marayo howlgal amni oo ballaaran oo ay wadaan hay’adaha ammaanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu bartilmaameedsanayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus oo lagu eedeeyay inay hoobiyeyaal ku garaaceen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, taasoo khatar gelisay nolosha dadka rayidka ah.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in kooxahan ay ku sugan yihiin goobo ay deggen yihiin xubno lagu tilmaamay qaswadayaal isku sheegaya siyaasiyiin, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen abaabulka falalka amni-darrada ah.

Booliiska ayaa shacabka ku wargeliyay in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed oo ka socda magaalada, balse ay jirto dhacdo hubeysan oo ay ciidamada ammaanku ku howlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa.

Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir ayaa bulshada ugu baaqay inay ka feejignaadaan falalka hubeysan ee lidka ku ah amniga iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo nabadgelyo buuxda.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu baacsanayo kooxaha hubeysan, iyadoo la xusay in cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falalkan la horgeyn doono sharciga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *