Mareykanka oo war culus kasoo saaray dagaalka ka socda Muqdisho

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa bayaan adag kasoo saartay rabshadaha iyo dagaallada ka socda caasimadda Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay xaaladda jirta mid “aan masuuliyad lahayn” oo halis ku ah xasilloonida dalka.
Safaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda. Waxay carrabka ku adkaysay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay mudnaanta siiyaan ilaalinta amniga, midnimada qaranka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aannada la qaato saacadaha iyo maalmaha soo socda ay saameyn weyn ku yeelan karaan mustaqbalka siyaasadeed, amniga iyo wadajirka Soomaaliya, taasoo muujinaysa walaaca sii kordhaya ee beesha caalamka ka qabto xaaladda Muqdisho.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada Muqdisho ka jiraan iska horimaadyo iyo xiisado siyaasadeed oo sare u kacay, kuwaas oo sare u qaaday cabsi laga qabo in xaaladdu isu beddesho qalalaase amni iyo mid siyaasadeed oo ballaaran.
Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, waxaana bayaankan loo arkaa digniin cad oo ku socota dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda, si looga hortago in xaaladdu kasii darto.









