LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Cadaadis Caalami Ah Kadib, Dowladda oo Dalbatay Xabbad-Joojin

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ergo nabadeed iyo xubno ka tirsan wasiirrada dowladda oo kasoo jeeda saamiga siyaasadeed ee Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre u dirtay aagga uu dagaalku ka socdo, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay joojinta dagaalka iyo dib u qaadista ciidamadeeda haddii la helo xabbad-joojin degdeg ah.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib saacado badan oo xiisad iyo dagaal ay ka jireen magaalada Muqdisho, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in dadaallo diblomaasiyadeed iyo cadaadis caalami ah ay socdaan si loo dejiyo xaaladda.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu habeenkii xalay si adag uga horyimid joojinta howlgalka, hase yeeshee xaaladda ayaa is beddeshay saacado kadib, iyadoo la sheegayo in fariimo iyo cadaadis uga yimid saaxiibada caalamiga ah ay door ku yeesheen dib u furista wadahadalka iyo dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed.

Dhinacyada isku haya khilaafka ayaa weli si rasmi ah uga hadlin natiijada dadaallada nabadeed ee socda, balse waxaa muuqata in dadaal xooggan lagu bixinayo sidii loo yareyn lahaa xiisadda loogana fogaan lahaa isku dhac horleh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *