LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Suldaanka Agoonyar Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Bartilmaameedsaday Guriga Sheekh Shariif

Suldaanka Guud ee Beesha Agoonyar Abgaal ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dhacdada la sheegay in lagu weeraray hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inuu goobta ku sugnaa xilligii ay dhacdadu dhacaysay.

Suldaanka ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday guriga uu degan yahay Sheekh Shariif, wuxuuna dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay falkaasi. Wuxuu sheegay in dhacdadu ay abuurtay walaac amni iyo cabsi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha uu Suldaanku jeediyay, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga oo ku saabsan dhacdadaasi.

Hadalka Suldaanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho islamarkaana ay dowladda federaalka kordhisay weerarada iyo caburinta ay ku heyso xubnaha mucaaradka ee diidan muddo kororsiga Xasan Sheekh oo sanad dheeraad ah ku darsaday muddada xil heyntiisa xilli uu dhammaaday waqtigiisii sharciga ahaa.

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad hubanti la aan ah iyo xiisado siyaasadeed oo waqti kasta isku bedelo kara gacan ka hadal dalkana gali kara dagaalo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *