LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladd Federaalka oo madaafiic ku garaacay xaafada uu deganyahay Xasan Kheyre

Warar kala duwan oo laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad aad u kacsan ay ka taagan tahay qaar ka mid ah xaafadaha ku dhow halka uu degan yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Hassan Ali Kheyre.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhinacyada ay adeegsadeen hub culus, iyadoo ay jiraan warar kale oo tilmaamaya in madaafiic iyo hub culus ay dowladda ku garaacday qaar ka mid ah aagagga ay xiisaddu ka taagan tahay.

Warararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in hubka culus ee la adeegsanayo uu ka mid yayay mid horey dalka loogu soo kordhiyay si loogu xoojiyo la dagaallanka Al-Shabaab, hase yeeshee arrintaas ma jiro caddeyn rasmi ah oo si toos ah u xaqiijinaysa.

Dhanka kale, waxaa la sheegay in dad shacab ah laga saaray guryahooda, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo la gaarsiiyay isbitaallada Muqdisho, iyadoo xaaladdu ay weli tahay mid aad u kacsan oo laga cabsi qabo in ay sii fido.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ama dhacdooyinka socda, waxaana la sugayaa xog dheeraad ah saacadaha soo socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *