Author: Banaadir24

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay duqeymo cirka ah lagu bartilmaameedsaday fariisimo looga shakisan yahay Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanno hoostaga magaalada Baydhabo. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in goobaha la weeraray ay ka mid yihiin meelaha ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay dhaq-dhaqaaqyo ciidan, hase yeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeymaha, mana jiro war rasmi ah oo ay soo saareen hay’adaha ammaanka. Duqeymahan ayaa imanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira joogitaanka Al-Shabaab ee deegaanno dhowr ah oo ku teedsan waddada Buurhakaba iyo Baydhabo. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in kooxda…

Read More

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo deegaanka Gubadleey ee magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa waxay wararku sheegayaan inay u dhexeeyaan ciidamada dowladda iyo ciidan uu leeyahay nin ganacsade ah. Warar isugu jira ilo amni iyo kuwo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgal ka fuliyeen waddooyin u dhow deegaanka Cadale, halkaas oo la sheegay in ay ku socdeen illaa shan gaadiid oo nooca dagaalka ah. Howlgalkaas ayaa la sheegay in uu sababay iska horimaad kooban oo dhexmaray ciidanka la geeyay Muqdisho iyo cutubyo kale oo horey u…

Read More

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa degmada Cabdicasiis ku soo bandhigay hub noocyo kala duwan leh oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen guryo lagu qariyay hubkaas. Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo shir jiraa’id ku qabtay degmada Cabdicasiis ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub sharcidaro oo rag siyaasiyiin hore ah guryaha ku haysteen, kuwaas oo dhibaato ku ahaa amniga degmadaas, wuxuuna taliyaha hoosta ka xariiqay in howlgalka sii socon doono oo lagu baacsanayo dadka falalka lidka ku ah amniga wada. ” Howlgalka oo wali socda waxaa lagu qabtay hub fara badan,…

Read More

Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo taariikhdu tahay 6-da June, 2026, kaga hadlay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee Muqdisho. Madashu waxay si adag u cambaaraysay isku-day ay sheegeen inay ciidamo gaar ah oo uu hoggaaminayo Aadan Maxamad Cumar (Aadan Dheere) ku damacsanaayeen inay ku weeraraan hoyga uu degmada Cabdicasiis ka degan yahay Janaraal Odowaa Yuusuf Raage. Waxay ku eedeeyeen Xasan Sheekh Maxamuud qorshayaal ay sheegeen in lagu beegsanayo hanti gaar loo leeyahay iyo hoteelo, taas oo ay ku tilmaameen mid sii hurinaysa xiisadda siyaasadeed iyo tan amniga ee caasimadda. Madashu waxay ugu baaqday dhammaan ciidamada…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf iyo jahawareer dhanka taliska ah uu ka dhex jiro qaar kamid ah hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya, iyadoo la sheegay in saraakiil kala duwan ay bixinayaan amarro iska soo horjeeda oo sare u qaaday walaaca amni ee ka jira caasimadda Muqdisho. Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, hay’adaha Nabadsugidda, Booliska Gobolka Banaadir, Qeybta Howlgallada Gaarka ah iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay ku jiraan xaalad is-maandhaaf amni iyo mid talis, taasoo keentay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo kala jiho ah. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dhinac kasta uu isku dayayo inuu muujiyo awooddiisa, iyadoo…

Read More

Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo maanta ka dhacday Hotel Elite ee xeebta Liido, isagoo ku eedeeyay dowladda inay si xoog ah ula wareegtay xaruntaasi ganacsi. Cabdullaahi ayaa sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Juun 2026, abbaarihii 11:30 subaxnimo ay Hotel Elite gudaha u galeen ciidamo hubeysan oo watay hub culus iyo walxo qarxa. Wuxuu xusay in ciidamadaasi ay gabi ahaanba la wareegeen hotelka, isla markaana hal meel isugu geeyeen shaqaalihii iyo ilaaladii ku sugneyd gudaha. Wasiirkii hore ee Amniga ayaa ku dooday in howlgalkaasi uusan ahayn baaritaan amni,…

Read More

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay si xooggan u galeen Hotel Elite ee ku yaalla xeebta Liido, kaas oo la sheegay inuu leeyahay Wasiirkii hore ee Amniga, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen maqaaxiyaha hotelka, halkaas oo lagu soo warramayo inay ka dhaceen falal bililiqo ah, ka hor inta aysan u gudbin qaybaha kale ee dhismaha oo ay ku jiraan qolalka jiifka. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay mar kale cirka isku shareertay xiisadda ka taagan Degmada Cabdicasiis, oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo…

Read More

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo aad u tiro badan oo si heersare ah u hubeysan la dhigay agagaarka Isgoyska Beexaani, oo u dhow xarunta hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ee Habar Khadiijo. Goobta ayaa si weyn loo xiray, iyadoo la soo warinayo in dhaq-dhaqaaqyada amniga ay ka dhasheen xiisad u dhexeysa saraakiil sar-sare oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka iyo ciidamada qalabka sida, taasoo la xiriirta howlgal lagu baarayo hubka ku jira guryaha saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dowladeed oo ku sugan aagga Mirinaayo. Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in xiisaddan ay…

Read More

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan sirdoonka Turkiga ee ku sugan Muqdisho ay kulamo la yeesheen dhinacyo kala duwan oo mucaaradka Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadaha taagan. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in dhinacyada mucaaradka ay saraakiisha Turkiga u gudbiyeen walaac la xiriira doorka Ankara ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in dad badan ay aaminsan yihiin in Turkigu mustaqbalkiisa Soomaaliya ku xiray maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Saraakiisha Turkiga ayaa la sheegay inay si cad u beeniyeen aragtidaas, iyagoo ku adkeystay in dalkoodu uu saaxiib la yahay Soomaaliya guud…

Read More

Wasiirka Dekedaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay fashiliyeen kooxo uu ku eedeeyay inay qandaraas ku qaateen dhibaateynta qaranka, kuwaas oo uu sheegay in laga hortagay weerarro ay qorsheynayeen. Qoraal uu soo saaray ayuu wasiirku ku sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hortageen qorshayaal amni-darro, isaga oo xusay in dadka Soomaaliyeed ay hadda si cad u garteen cidda uu ku tilmaamay “cadowga qaranka”, kuwaas oo uu sheegay inay hore isu qarin jireen. Sidoo kale, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dhinacyadii maalgelinta ku bixiyay qorshayaashaas ay ku guuldarreysteen hadafkoodii, isla markaana ay hadda…

Read More