LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Sheekh Shariif Iyo Xasan Kheyre Oo Fashiliyay Dullaankii Cuslaa Ee Dowladda Federaalka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in in ka badan 12 saacadood oo howlgal iyo dhaq-dhaqaaq ciidan ah kadib aan lagu guuleysan ujeeddo la sheegay in lagu bartilmaameedsanayey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada difaacaya labada hoggaamiye ay si adag uga hortageen isku day kasta oo lagu doonayay in lagu jebiyo difaacyada ay ku sugnaayeen, inkastoo la sheegay in la adeegsaday hub kala duwan intii ay socdeen iska horimaadyada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaalad jahwareer ah laga dareemayo gudaha ciidamada dowladda, iyadoo la sheegayo in amarro is khilaafsan ay ka dhex jiraan talisyada kala duwan. Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in ay jiraan calaamado muujinaya kala daadsanaan iyo isfaham la’aan ka dhex jirta qaar ka mid ah cutubyada ciidanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlaya eedeymaha iyo wararka la xiriira xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *