LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
DEG DEG: Dowladda oo weerartay hooyga Xasan Cali Kheyre

War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow weerar culus lagu qaaday hoyga uu muqdisho ka deganyahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay weerarka ku qaadeen hooyga halkaas oo sidoo kale ay joogeen ciidamo ka ammar qaata Xasan Cali Kheyre.
Wararku waxay sheegayaan inay halkaasi ka socto rasaas xoogan oo labada dhinac ay isweeydaarsanayaan.
Faahfaahinta la soco.









