Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa martigelisay munaasabad lagu saxiixayay qandaraaska adeegyada daraasadaynta, naqshadaynta, qiimeynta saameynta deegaanka iyo bulshada, iyo diyaarinta dukumentiyada qandaraas-bixinta ee Waddada Gaalkayo–Hobyo, gaar ahaan qaybta Gaalkayo iyo Ceelguula oo dhererkeedu yahay 100 kiiloomitir. Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa Guddoominayay Wasiirka Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Hawlaha Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Dhiblaawe Casir, Agaasimaha Guud ee IBS Bank, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame,…
Warar laga helayo duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka goosteen fariisimahoodii, isla markaana ay ku biireen ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay muujinayso isbeddel cusub oo ka dhex socda xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Baydhabo, iyadoo wararku sheegayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aan caadi ahayn laga dareemayo hareeraha magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Laftagareen. Falanqeeyayaal amni ayaa aaminsan in ciidamada dhinac beddelay kuna biiray kuwa mucaaradka kasoo horjeeda dowladda federaalka halgankana ugu jira…
Xubin sare oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa si adag uga digay joogitaanka ciidamada Israa’iil ee la sheegay inay ka howlgalaan biyaha Soomaaliya, isagoo sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah loo tixgelin doono “bartilmaameed sharci ah”. Mohammed al-Farah, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in gobolka Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab el-Mandeb uu yahay meel istiraatiiji ah oo aad muhiim u ah, isla markaana aan la oggolaan doonin faragelin shisheeye. Wuxuu ku hanjabay in dhaq-dhaqaaq kasta oo ay sameeyaan waxa uu ugu yeeray “cadowga Israa’iil” uu sababi karo jawaab adag oo militari, isagoo sheegay in ay…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay isbeddelka dimoqraadiga ah ee Soomaaliya iyo guulaha amni, isagoo wacad ku maray in aan la ogolaan doonin qalalaasaha siyaasadeed iyo ‘cabsi-gelinta hubeysan’’ midna iyo inay wiiqaan horumarka adag ee uu dalka ku tallaabsaday. Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan casho sharaf ah oo lagu sagootinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee xilka ka degay iyo Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Aadan Maxamed Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya ay ka soo baxday dhowr iyo toban sano oo colaad iyo kala qeybsanaan siyaasadeed. “Soomaaliya kuma soo laaban doonto wixii hore,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo wacad ku…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq nabadeed oo degdeg ah oo ku saabsan colaadda ka taagan deegaanka Aricadeeye. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay si weyn uga xun tahay isku dhacyada dhex maray labada beelood oo walaalo ah, kuwaas oo sababay khasaare nafeed oo baahsan. Wasaaradda ayaa si adag u cambaaraysay falalka gacan-ka-hadalka ah ee horseeday dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah. Waxayna si degdeg ah oo shuruud la’aan ah ugu baaqday in la joojiyo khilaafka iyo dhammaan ficillada hurin kara…
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 14-ka Oktoobar, G/le Dhexe Muunye, iyadoo xilkaas loo magacaabay G/le Cismaan Muuse. Wararka laga helayo taliska ciidanka ayaa sheegaya in isbeddelkan uu qayb ka yahay dib-u-habeyn lagu sameynayo hoggaanka iyo howlaha ciidamada, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay xil ka qaadista Taliye Muunye. G/le Dhexe Muunye ayaa muddo hoggaaminayay Guutada 14-ka Oktoobar, oo ka mid ah cutubyada muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Taliyaha cusub ee la magacaabay G/le Cismaan Muuse ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ula wareego hoggaanka guutada maalmaha soo socda.…
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xalay magaalada Nairobi ergo ahaan ugu diray ganacsato iyo siyaasiyiin si ay ula kulmaan Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub). Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wada-hadalladaasi lagu lafa-guray xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la sheegay in Taliye Shub loo ballan-qaaday dib ugu soo laabashada hoggaanka Ciidanka Asluubta haddii uu door ka qaato xal u helista ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa la sheegay inay cadaadis amni ku hayaan…
Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa martigelisay wada-hadallo dhowr maalmood socday oo u dhexeeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kuwaas oo laga soo wariyey in laga gaaray isfaham hordhac ah sida ay ogaatay Banaaadir24 Online. Wadahadallada oo maray afar wareeg ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashada Galmudug iyo sidii dhinacyadu u gaari lahaayeen isafgarad dhameystiran oo ku saabsan geeddi-socodka doorashada qof iyo codka ah oo ay dowladda federaalka Soomaaliya dooneyso inay halkaasi ka dhacdo. Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen…
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo u aragta tallaabo wanaagsan oo lagu yareynayo xiisadaha, laguna xoojinaayo wadahadallada, laguna adkeynayo xasilloonida gobolka. Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa labada dhinac inay doorteen diblomaasiyad iyo wada-xaajood, si loo dhimo xiisadaha, loona horumariyo nabadda. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada wax ku-oolka ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Jamhuuriyadda Türkiye ee taageeray horumarkan diblomaasiyadeed. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale aqoonsan tahay doorka muhiimka ah…
Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ka dhacay bar-koontaroolka bari ee magaalada, kaddib markii ay rasaas isweydaarsadeen ciidamada Booliiska Puntland iyo ilaalada hubeysan ee la socday siyaasiyiin mucaarad ah. Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo amni, ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay joojiyeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo ilaaladooda kuwaas oo ka yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo, xilli ay kusii jeedeen Garoowe. Arrintaas ayaa la sheegay inay dhalisay muran isku beddelay rasaas toos ah. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaasta ay ka bilaabatay agagaarka bar-koontaroolka bari ee magaalada,…