LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Dowladda Federaalka oo ka hadashay dadkii lagu laayay Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay baaq nabadeed oo degdeg ah oo ku saabsan colaadda ka taagan deegaanka Aricadeeye.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay si weyn uga xun tahay isku dhacyada dhex maray labada beelood oo walaalo ah, kuwaas oo sababay khasaare nafeed oo baahsan.
Wasaaradda ayaa si adag u cambaaraysay falalka gacan-ka-hadalka ah ee horseeday dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah. Waxayna si degdeg ah oo shuruud la’aan ah ugu baaqday in la joojiyo khilaafka iyo dhammaan ficillada hurin kara colaadda.










