Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka, isla markaana ah Safiirka aan joogtada ahayn ee Soomaaliya u qaabilsan wadanka Canada , Mudane Daahir Xasan Cabdi, ayaa si rasmi ah u gudbiyay warqadaha aqoonsiga safiirnimo kadib munaasabad ka dhacday Rideau Hall ee magaalada Ottawa. Danjiraha waxaa Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Guddoomiyaha Guud ee Dowladda Canada (Governor General of Canada), Mss Louise Arbour, oo ah wakiilka rasmiga ah ee Boqorka Kanada, Boqor Charles III, isla markaana ah madaxa qaranka ee dalka Canada. Gudbinta iyo guddoomista warqadaha aqoonsiga safiirnimo ayaa astaan u ah in Danjiruhu si rasmi ah u billaabay gudashada waajibaadkiisa…
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay bilowday dadaallo siyaasadeed oo xooggan oo lagu taageerayo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Jaamac “Madaxaa Nafuran”, si uu u qabto hoggaanka Golaha Shacabka oo waqtigiisu sii dhammaanayo. Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadihii lasoo dhaafay xiriirro la yeeshay qaar kamid ah xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee danaynaya kursigan, iyadoo la rumeysan yahay in Villa Somalia ay si cad u muujisay taageeradeeda musharraxan maalmihii u dambeeyey. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in magaca Cabdulqaadir Jaamac lagu wargeliyey guddoonka KMG ah iyo…
Ciidamada amniga Puntland ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day lagu doonayay in lagu qabsado garoonka diyaaradaha ee degmada Goldogob ee gobolka Mudug, kadib xiisad kooban oo saaka ka dhacday halkaas. Sida ay sheegeen masuuliyiinta amniga gobolka iyo degmada, kooxo hubeysan ayaa isku dayay in ay si xoog ah u galaan garoonka, balse waxaa ka hor istaagay ciidamada ku sugnaa goobta, kahor inta aysan gaarin hadafkooda. Taliyaha Booliska degmada Goldogob, Laba Xiddigle Xuseen Cali Warsame, ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay ku guuldareysteen in ay la wareegaan garoonka, isla markaana ciidamada amniga ay si degdeg ah u xakameeyeen…
Robert Stryk (Roobert Istrayk), oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha shirkadda caalamiga ah ee ka shaqaysa arrimaha diblamaasiyadda ee Stryk Global Diplomacy, ayaa ku biiray baaq ay soo saareen xubno Soomaali ah oo dalbanaya inuu iscasilo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uguna baaqey dowladda Mareykanka inay baaris dhab ah ku sameyso eedeymo la xiriira musuqmaasuq, ku-tagri-fal awoodda xafiiska, iyo weecinta lacagaha gargaarka caalamiga ah. Labada dhinac ayaa sheegay in wadashaqeyntoodu ay diiradda saari doonto eedeymo sheegaya in gargaarkii ay maalgeliyeen canshuur-bixiyayaasha Mareykanka—ee Soomaaliya loo soo mariyay hay’adaha WFP iyo USAID ay leexsadeen shakhsiyaad siyaasiyiin ah iyo qoys oo xiriir dhow la…
Diplomatic sources and individuals closely monitoring Somalia’s political landscape say President Hassan Sheikh Mohamud is expected to present a final political agreement before the end of July, aimed at guiding the country’s federal electoral process. According to these sources, the main challenge facing the initiative is the difficulty of reaching a comprehensive consensus among all relevant political stakeholders. The president is said to remain committed to strengthening a multi-party system, while opposing any return to a non-party-based electoral model. Meanwhile, the Villa Somalia administration is reportedly prioritizing the organisation of regional elections in Galmudug and Hirshabelle. These polls are expected…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur waxaa kusoo dhoweeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, iyada oo sidoo kale ay ka qeyb galeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada. Soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujisay iskaashi iyo isfaham u dhexeeya dowladda federaalka, maamulka Galmudug iyo hay’adaha amniga, iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga iyo habsami u socodka…
Guddiga Amniga dowlad Goboleedka Puntland, oo ay weheliyaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Caddaaladda, iyo Warfaafinta, ayaa soo saaray go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida guud ee deegaanada Puntland. Go’aannadan ayaa ka dhashay shir wadatashi ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta. Puntland ayaa ku dhawaaqday qodobada soo socda: Xakameynta Gawaarida Tiknikada: Waxaa si rasmi ah loo mamnuucay in gawaarida tiknikada ah ee ay wataan maleeshiyaadka sharcidarrada ah ay ka dhex shaqeeyaan ama ay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan gobolada Puntland, waxaana ciidamada amniga la faray inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqaas. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka
Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo ilo kale oo si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, laga sugayo inuu kahor dhammaadka bisha July soo bandhigo heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka federaalka ee dalka. Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in caqabadda ugu weyn ee hortaagan qorshahaasi ay tahay suurtagalnimada in aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo ay wada oggol yihiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu weli ku adkeysanayo aragtidiisa ku saabsan hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, isagoo kasoo horjeeda dib ugu noqoshada hannaan doorasho oo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay la sheegay inay xaddi badan oo rasaas iyo saanad ciidan ah ka daadgureysay bakhaarada milatariga, iyadoo loo kala diray gobollo kala duwan oo dalka ah, sida ay sheegeen ilo amni. Wararka ayaa tilmaamaya in lix duullimaad oo saanad militari sida la fuliyay lixdii maalmood ee u dambeysay, kuwaas oo gaarsiiyay rasaas iyo qalab ciidan deegaanno ay ka mid yihiin Laascaanood, Baydhabo, Balad Xaawo, Jowhar iyo Dhuusamareeb. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in saanadda la geeyay meelo ay ka socdaan howlgallo amni iyo deegaanno kale oo ay ka jiraan xiisado iyo khilaafaadyo maxalli…
Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay (A/80/723-S/2026/357) ee ku saabsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, taas oo si rasmi ah u xaqiijisay in ururkii Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) laga saaray liiska dhinacyada ku lugta leh askaraynta iyo adeegsiga carruurta colaadaha hubeysan. ASWJ, oo muddo ku jirtay lifaaqyada warbixinnada Qaramada Midoobay ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, ayaa laga saaray liiska kadib markii la xaqiijiyay in ururkaasi aanu mar dambe u jirin koox hubeysan oo madaxbannaan, isla markaana xubnihiisii ay ku milmeen hay’adaha amniga Qaranka Soomaaliyeed. Go’aankan muhiimka ah wuxuu ka tarjumayaa horumarka ay Dowladda…