LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Puntland iyo kuwa mucaaradka oo ku dagaalamay Garowe

Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ka dhacay bar-koontaroolka bari ee magaalada, kaddib markii ay rasaas isweydaarsadeen ciidamada Booliiska Puntland iyo ilaalada hubeysan ee la socday siyaasiyiin mucaarad ah.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo amni, ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay joojiyeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen siyaasiyiin mucaarad ah iyo ilaaladooda kuwaas oo ka yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo, xilli ay kusii jeedeen Garoowe. Arrintaas ayaa la sheegay inay dhalisay muran isku beddelay rasaas toos ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaasta ay ka bilaabatay agagaarka bar-koontaroolka bari ee magaalada, iyadoo la maqlay dhawaaqyo culus oo cabsi geliyay shacabka ku nool deegaanka.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xabbad culus oo Dashiike ah ay ku dhacday gurigiisa intii uu socday iska horimaadka, taas oo gashay qol ay carruurtu seexdaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaastu socotay muddo kooban ka hor inta aysan ciidamada ammaanku dib ula wareegin gacan ku haynta goobta.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, mana cadda tirada dhimashada ama dhaawaca ee ka dhashay dhacdadaasi.

Iska horimaadkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee Puntland, iyadoo dhawaan maamulka uu soo saaray amar lagu mamnuucayo ciidamada aan ka tirsanayn hay’adaha amniga Puntland inay hub ku dhex wataan deegaannada maamulka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *